Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ‘Cumar Filish’ oo galabta gaaray Dhuusamareeb +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee Axadda maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga uu hoggaaminayay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje iyo bulshada qaybteeda.

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa loo gelbiyay Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Cumar Filish ayaa ku biiraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Cabdi Maxamed (Laftagareen) oo gelinkii dambe ee Sabtidii tegay Dhuusamareeb.

Weli waxaa la sugayaa madaxweyneyaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli gaarin magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in weli la sugayo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, isla markaana aanu waxba iska bedelin sida uu qorshuhu ahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...