27.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 10, 2022

Update: Wararkii ugu dambeeyay Weerarka Hotel Elite & rasaas weli ka dhex socota

Muqdisho (Halqaran.com) – Inta la xaqiijiyay 15 qof ayaa ku dhimatay, tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen, kaddib markii qarax weerar toos ah ku bilowday oo lagu qaaday Hoteelka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya, in dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan dad shacab ah, saraakiil iyo shaqaale dowladeed.

Ciidamada Ammaanka ayaa soo badbaadiyay dad badan oo ay ka mid ahaayeen taliyeyaal ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah milkiilaha Hotel Elite ayaa ka mid noqday tiro dad ah oo Ciidamada Dowladda ku guuleysteen inay halkaasi ka soo badbaadiyan.

Agaasimihii xiriirka Warbaahinta maamul goboleedyada ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Daahir Cali ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhitay weerarkaasi lagu qaaday Hotelka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washinton, Sawir qaade Maxamed Cabdi Xuseen oo ka tirsan howl wadeennada TV-ga Qaranka iyo Fanaanad Faaisa beella.

Mas’uuliyadda Weerarka

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan hubeysan ee gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday Hoteelka Elite oo ku yaala Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyay barraha afkooda ku hadla ayaa lagu sheegay in weerar is qarxin iyo mid toosba leh lagu qaaday hotel uu leeyahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad inqimaasi ah ku qaaday Hotel uu leeyahay Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka, oo ku yaal Degmada Cabdiasiis ee Magaalada Muqdisho”, Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, Waxaa ilaa iyo hadda weli ka socda gudaha Hoteelka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido dagaal u dhaxeeya ciidamada Amniga ee DF Soomaaliya iyo dableydii weerarka soo qaaday, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaasta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqaranews@gmail.com

Latest News

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...

Somalia backs China over US, reaffirms its supports for one-China policy

Somali government has expressed its support for China’s sovereignty,...

Over 800 Al-Shabab’s Militants Killed Including 24 Top Leaders

More than 800 militants of the terrorist al-Shabab group...
spot_img

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo guddi u saaray fowdadii ka dhacaday Golaha Shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo kasoo talabixiya dhacdadii 07/08/2022 ka dhacday...

Mahdi Guuleed oo xilka ku wareejiyay R/Wasaare Ku xigeenka cusub ee dalka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenkii hore ee xukuumadda, Mahdi Maxamed Khadar...

Mareykanka oo Ukraine ugu yaboohaya hub uu qiimihiisu gaarayo hal bilyan oo dollar

Washington (Halqaran.com) - Dowladda Mareykanka ayaa ballanqaaday taageero dheeri ah oo militari inay siin doonto Ukraine, si dowladda dalkaasi ay isaga caabiso duulaanka Ruushka. Hubkan...