25.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 10, 2022

Wararkii ugu dambeeyay Xiisada Guriceel iyo Ahlu Sunna oo xoojisay difaaca hore ee….

Guriceel (Halqaran.com) – Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe oo dareensan in col kaga soo wajahan yahay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waddo qorshaheedii ugu dambeeyay, ee ay ku doonayso inay ku difaacato gacan ku haynta Magaalada Guriceel.

Ujeedka Madaxtooyada Galmudug ayaa u muuqdo in la weeraro Magaalada Guriceel, oo 1-dii bishan ay bilaa dagaal kula wareegeen Xoogaga Ahlu Sunna, iyadoona Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) lagu eedeeyay inuu wadadii wada hadalada ka beeray, uuna doortay dagaal uu la galo Xoogaga Ahlu Sunna.

Ahlu Sunna ayaa saacadihii la soo dhaafay ciidan badan gaysay aagga deegaanka Ceeldheere, oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ah difaaca hore ee Guriceel. Ceeldheere ayaa ku taalo wadada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya haddii la weeraro Magaalada Guriceel in Xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol, ay ku dhaqaaqi doonaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Bohol waxay qiyaastii 20km dhinaca waqooyi uga beegan tahay Magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay sheegay inaanay iyagu doonayn dagaal ay la galaan Galmudug, balse haddii lagu khasbo aanay gacmaha is dul saaran doonin.

Dadaalo ay tan iyo Arbacadii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ka dhex wadeen labada dhinac ayaa u muuqdo kuwo guuldareystay.

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirkii Amniga Galmudug, ayaa Khamiistii sheegay in istiqaaladiisa uu u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug, ka dib markii uu sheegay inay isku fahmi waayeen in wada hadal lagu xaliyo xiisadda maamulka kala dhaxeysa Hoggaanka Ahlu Sunna.

Nabadoon Cabdi Guure Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku eedeeyay inuu u biro tumanayo dagaal aan natiijadiisa la sii saadaalin karin.

Si kastaba, haddii aan laga baaqsan dagaalkan waxa uu galaafan doonnaa nolosha dad badan, waana xilli Shabaabkii Gobolada Dhexe ku sugnaa ay weli haystaan deegaanadii ay horey uga qabsadeen Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...

Somalia backs China over US, reaffirms its supports for one-China policy

Somali government has expressed its support for China’s sovereignty,...

Over 800 Al-Shabab’s Militants Killed Including 24 Top Leaders

More than 800 militants of the terrorist al-Shabab group...
spot_img

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo guddi u saaray fowdadii ka dhacaday Golaha Shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo kasoo talabixiya dhacdadii 07/08/2022 ka dhacday...

Mahdi Guuleed oo xilka ku wareejiyay R/Wasaare Ku xigeenka cusub ee dalka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenkii hore ee xukuumadda, Mahdi Maxamed Khadar...

Mareykanka oo Ukraine ugu yaboohaya hub uu qiimihiisu gaarayo hal bilyan oo dollar

Washington (Halqaran.com) - Dowladda Mareykanka ayaa ballanqaaday taageero dheeri ah oo militari inay siin doonto Ukraine, si dowladda dalkaasi ay isaga caabiso duulaanka Ruushka. Hubkan...