Friday, April 10, 2026
29.4 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray laami lacagtii lagu dhisay ay bixiyeen Dadka Deegaanka.

Muqdisho(Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta xariga ka jaray laamiga xiriiraya Baar Ubax & Warshaddii Taraqa iyo Sigaar ah oo lacagta lagu dhisay laga qaaday Dadka degen hareeraha Laamiga.

Wadadaan ayaa muhiim u ah isku socodka gadiidka iyo dadweynaha,waxaana dhismaheeda iska kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka degmada Howlwadaag.

Gaadiidlayda iyo dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyay dhismaha  wadadan lagu sameeyay  oo muddo dheer aan wax dayactir ah helin.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...