Thursday, April 30, 2026
28.4 C
Mogadishu

Qarax ka dhacay deegaanka Janaale ee Shabeellaha Hoose

Janaale(Halqaran.com) –Wararka aan ka heleyno deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku warramaya in xalay weerar loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro uu ka dhacay gudaha deegaankaas.

Weerarka oo la sheegay inay fuliyeen rag hubeysan ayaa lagu qaaday fariisimo Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degaanka Janaale, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weerarka kadib sameeyey howl-gal, waxaana ay ku toogteen nin caan ka ahaan Janaale, kaas oo lagu tuhmay inuu ka dambeeyey qaraxaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka deegaanka Janaale oo ku aadan dhacdadaasi.

Deegaanka Janaale ayaa waxaa marar kala duwan horey uga dhacay weeraro iyo dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, iyadoona weerarada qaarkood ay geysteen khasaaro kala duwan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...