Saturday, December 13, 2025
26.2 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee G/Hiiraan

Hiiraan (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Booliska degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegaya, in halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada booliska degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa socday in ka badan muddo saacad ah, sida ay ku soo warramayaan goobjoogayaal.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku dadraya in dagaalka uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo kale, kuwaas oo isugu jira maleeshiyada Al-Shacab iyo Ciidanka booliska.

Weli kama aysan hadlin weerarkaasi laamaha ammaanka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan iyo kuwa AMIOSM oo ku sugan qeybo kamid ah degmada, balse waxaa la sheegay in maanta ay wadaan howlgallo kala duwan.

Ugu dambeyn, degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti, waxaana mararka qaar weerar ku soo qaada Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...