Muqdisho (Halqaran.com) – Agaasimaha Baanka Adduunka ee IMF, Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in adduunka waajib ku tahay in uu caawiyo Afrika si ay dhibaatadan uga soo kabtaan.
Qaaradda Afrika waxaa ay kamid tahay qaaradaha ugu saameynta yaraa Cudurka safmarka ee Coronavirus (Covid-19).
Baanka Adduunka ayaa sheegay in 43 milyan ay hadda khatar ugu jiraan saboolnimada uu sababay Fayraska Corona.
‘‘Saameynta dhaqaalaha waxaa ay sii jiri doontaa sanadaha soo socda qaaradda Afrika, sidoo kale shaqooyinka ayaa la waayi doonaa, dhakhliga qoysaska wuxuu hoos u dhici doontaa ilaa 12%‘‘, sidaa waxaa sheegtay Georgieva oo ka hadlaysay kulan aaladda fogaan aragga ku yeesheen saraakiisha IMF.
Dowladaha Afrika waxay sameeyeen siyaasado lagu yaraynayo khatarta taas oo lagu qiyaasay 2.5% dhakhliga gudaha ah.
IMF waxay dalalka Afrika siisay 26 bilyan oo dollar oo lagu yareynayo saameynta Fayraska Corona, laakiin marka la eego baaxadda dhibaatada jirta waxaa loo baahan yahay dhaqaale intaas ka badan.
“Wadamada qaar daynta faraha badan oo lagu leeyahay darteed waxay ku qasbanaadeen inay kala dooran waayaan in daynta iska bixiyaan ama in ay ka caawiyaan kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka,” ayay tiri agaasimaha IMF.
Agaasimaha Baanka Adduunka ee IMF, Kristalina ayaa waxa ay sheegtay in dalalka G20 looga baahan yahay in ay kordhiyaan xilliga deen bixinta sidoo kalena amaah hor leh siiyaan dalalka dhibaatada dhaqaale heysato.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





