Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo si kulul uga hadlay Khilaafka ka taagan doorashada Hirshabeelle

Jowhar (Halqaran.com) – Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, guddoomiyaha Baarlamaanka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hadlay khilaafaadka iyo is-qabqabsiga ka taagan doorashada maamulkaas oo haatan wakhtigeeda la joogo.

Guddoomiye Cusmaan Barre oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa meesha ka saaray in ay joogsatay shaqadii guddiga doorashada uu magacaabay Madaxweyne Waare, kuwaasi oo shaqadooda bilaabay dhawaana soo saaray habraaca doorashada.

Balse Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Waare ayuu sheegay inuu ka soo hor jeestay habraaca ay soo saareen guddiga doorashada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa guddiga kula dardaaramay in howsha halkooda ay kasii wataan cid kasta oo doonaysana ka qeyb galka doorashada Hirshabelle ay timaado si ay kaga qeyb galaan doorashada, islamarkaana waqtigeeda ay ku dhaceyso.

Si kastaba, beelaha dega Hirshabeelle ayaa isku heysta jagada uga sareeysa maamulka, iyada oo haatan u muuqanayso mid kasii dareysa.

Halka hoose ka dhageyso Codka Guddoomiye Cusmaan Barre:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...