Muqdisho (Halqaran.com) – Faah-faahin cusub ayaa ka soo baxaysa qarax xooggan oo caawa ka dhacay agagaarka Isgoyska Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho
Qaraxan oo ka dhashay miino wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa ka dhacay afaafka hore maqaaxida Creams, oo dacalka ku haysa maqaaxi kaloo lagu magacaabo Last Coffee.
Bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa gawaari uu la socday Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya, Cabdinaasir Siciid Muuse, inkastoo uu qaraxu dhacay, markii ay wadada mareen.
Gaadiidka gurmada deg-degga ayaa goobtaasi ka qaaday dhaawacyada afar qof oo rayid ah. Mid ka mid ah dhibaneyaasha waxaa la xaqiijiyay inay haweeney tahay.
Ciidamada Booliska oo halkaasi gaaray ayaa muddo kooban xiray wadada, mana jirto cid ay u soo qab qabteen qaraxa caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, inkastoo qaraxyada ceynkani oo kala ah looga bartay maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka.
Muddooyinkii dambe Ururka Al-Shabaab ayaa kordhiyay qaraxyada waddooyinka lagu aaso oo ay ka geystaan magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





