Saturday, May 2, 2026
28.1 C
Mogadishu

UPDATE: Kulamo gaar-gaar ah oo caawa ka socda magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamaareeb (Halqaran.com) – Waxaa caawa magaalada Dhuusamareeb ka socda kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada ee ku sugan Dhuusamareeb iyo Madaxda DF Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa uu ka socdaa xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug oo ay degan yihiin inta badan mas’uuliyiintii tagay magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda ku sugan, Madaxweynayeyaasha maamullada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, Waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha JF Soomaaliya, Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, waxaa ku sugan magaalada Xildhibaanno iyo siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kulamada caawa ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa looga hadlayaa, ajandayaasha Shirka wadaji labaad ee ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb iyo go’aan laga mideysan yahay oo ku saabsan Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...