Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Jubbaland oo tababar u furtay 50 sarkaal

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Sabtidii maanta tababar u furay Saraakiisha Ciidanka Jubbaland.

Daah furka tababarkan waxaa madaxweynaha ku wehliyay qaar kamid ah Golaha fulinta, gollaha Sharci dajinta, Taliyaha Guud ee Ciidanka Jubbaland, taliyaha booliska iyo taliyaha Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland.

Tababarkan ayaa la siindonaa sarakiil garaysa 50 sarkaal, wuxuuna u socondoonaa muddo garaysa 14 cisho.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay doonayaan in ay xoojiyaan tayada Ciidanka Jubbaland.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in maamulka Jubbaland ay diyaargarow ugu jiraan sidii Maleeshiyaadka Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada maamulka Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...