Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Sabtidii maanta tababar u furay Saraakiisha Ciidanka Jubbaland.
Daah furka tababarkan waxaa madaxweynaha ku wehliyay qaar kamid ah Golaha fulinta, gollaha Sharci dajinta, Taliyaha Guud ee Ciidanka Jubbaland, taliyaha booliska iyo taliyaha Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland.
Tababarkan ayaa la siindonaa sarakiil garaysa 50 sarkaal, wuxuuna u socondoonaa muddo garaysa 14 cisho.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay doonayaan in ay xoojiyaan tayada Ciidanka Jubbaland.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in maamulka Jubbaland ay diyaargarow ugu jiraan sidii Maleeshiyaadka Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada maamulka Jubbaland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com