Dhuusamareeb (Haqlaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo ka soo duulay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, Wasiirro, Xildhibaanno iyo dadweyne kaloo fara-badan.
Madaxweynaha JF Somaliya iyo Wafdigiisa ayaa markii dambe loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo loo qorsheeyay in la dejiyo mudada uu ku sugan yahay magaaladaasi.
Geesta kale, waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu weli hakad ku jiro dhaqdhaqaaqii gaadiidka, waxaana aad loo xadiday isu socodka dadweynaha ee magaalada.
Madaxweynaha JF Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha XF Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay Magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgalaan wejiga 2aad ee shirka Dhuusamareeb.
Wejiga hore ee shirka oo la soo gebagabeeyay 12-kii bishan ayaa waxaa laga soo saaray in wejiga 2aad ee shirkaasi ka soo qaybgalaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.
Madaxda Qaranka ayaa waxay muddo hal sano iyo billo kadib, ay horfariisan doonaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, xilli ay sanadkiiba mar kulmi jireen, kana wada hadli jireen arrimaha ammaanka ee dalka.
Isku soo wada-duub, waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in shirka ka furmi doono Magaalada Dhuusamareeb lagu falan-qeyn doonnaa xaaladda guud ee dalka, amniga iyo weliba arrimaha doorashooyinka oo khilaafka madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com



















