Thursday, November 13, 2025
26.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland oo goor-dhow gaaray magaalada Cadaado

Cadaado (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Sabtida maanta ah booqasho Tariikhi ah ku tagay Magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug.

Waxaa Madaxweynaha si weyn garoonka diyaaradaha Cadaado ugu soo dhaweeyay dadweynaha Magaalada iyo Masuuliyiinta maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in ay xusuus weyn ku leedahay Tariikhdiisa Magaaladan, isla markana uu muddo ku noola sidoo kalana uu aabahii Daaci diinta dadka bara ka ahaa halkan.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in jacaylkii uu aabahii Magaaladan u qabay mid lamid ah uu u hayo Shacabka iyo Magaaladan, isla markana uu mar walba niyada ku hayo.

Shacabka reer Cadaado ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay garab istaagan Dowlada Cusub ee Galmudug oo ay la shaqeeyaan, isagoo sheegay in dadka deegaankan lagu yaqaanay Walaalnimo iyo is jacayl taas oo ka dhigtay meel mar walba lagu soo hirto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...