Monday, May 11, 2026
28.1 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii degmada BaledXaawo & Khasaarihii ka dhashay

BeledXaawo (Halqaran.com) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkii xooganaa ee Isniintii maanta duleedka Degmada BeledXaawo ku dhex maray Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Ciidanka Jubbaland, oo gacan ka helaya kuwa Kenya.

Dr. Axmed Caddow oo ka tirsan Dhakhaatiirta Isbitaalka Degmada Beled Xaawo ayaa xaqiijiyay in isbitaalkooda la keenay lix iyo toban qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, inkastoo mid ka mid ah uu u geeriyooday dhaawacii uu qabay, sida uu yiri.

Dr. Axmed Caddow ayaa tilmaamay in dadka la soo gaarsiiyay isbitaalkooda ay isugu jiraan askar iyo weliba dad shacab ah, kuwaa oo ku waxyeeloobay dagaalkii maanta ka qarxay Degmada BeledXaawo.

Isagoo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu tibaaxay in dhaawacyada la soo gaarsiiyay ay u badan yihiin Ciidamadii Dowladda, ee dagaalka ka qayb qaadanayay.

Shacabka la dhigay Isbitaalka Degmada BeledXaawo ayay waxyeelada ka soo gaartay rasaas wiifto ah iyo madaafiic gudaha ugu soo dhacday degmadaasi.

Waxaa jira dad kale oo dagaalkii maanta ku dhaawacmay oo la geeyay goobo kaloo caafimaad, oo ku yaala Degmada BeledXaawo.

Sidoo kale, qaar ka mid ah askarta Jubbaland iyo dad rayid ah ayaa la seexiyay Isbitaalka Degmada Mandhera, ka dib waxyeelo ka soo gaartay dagaalka.

Dhimashada labada dhinac ayaa waxay iminka sii caga cageynaysaa shan ruux, halka dhaawacuna uu ka badan yahay laba iyo labaatan ruux.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay inay taageereysay Ciidankii Jubbaland, ee maanta weerarka ku soo qaaday Degmada Beled Xaawo, hase ahaatee ay si weyn uga hortaggeen Ciidamada Dowladda.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay iminka ku sugan yihiin xuduuda Degmada Beled Xaawo la leedahay Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyagoona u diyaarsan inay ka hortaggaan weerar kale oo lagu soo qaado Beled Xaawo, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Maxamad Caddow Cali (Sanka).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...