Mandera (Halqaran.com) – Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, taasi oo ku taal duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Kenya.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Sheekh Barroow ee duleedka Mandheera, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta dagaal kooban oo dhex-maray ciidamada Kenya iyo Ururka Al-Shabaab.
Ururka Al-Shabaab oo weerarka ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya, kuwaas oo mararka qaar howlgallo gaar ah ka fuliya deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari.
Weli kama aysan hadlin weerarkaasi saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooy Bari iyo khasaaraha ka dhashay intuba, hayeeshee dhowr jeer ayaa weerarro noocan oo kale ah ay ka dhaceen Gobolkaas.
Ururka Al-Shabaab ayaa mararka qaar waxaa ay weerarro isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah ku qaadaan Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaannada Gobolka Waqooy Bari, kaasi oo ka dhasha Khasaaro badan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com