Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

UPDATE: Al-Shabaab oo weerar ka geystay duleedka Mandheera

Mandera (Halqaran.com) – Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, taasi oo ku taal duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Kenya.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Sheekh Barroow ee duleedka Mandheera, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta dagaal kooban oo dhex-maray ciidamada Kenya iyo Ururka Al-Shabaab.

Ururka Al-Shabaab oo weerarka ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya, kuwaas oo mararka qaar howlgallo gaar ah ka fuliya deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari.

Weli kama aysan hadlin weerarkaasi saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooy Bari iyo khasaaraha ka dhashay intuba, hayeeshee dhowr jeer ayaa weerarro noocan oo kale ah ay ka dhaceen Gobolkaas.

Ururka Al-Shabaab ayaa mararka qaar waxaa ay weerarro isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah ku qaadaan Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaannada Gobolka Waqooy Bari, kaasi oo ka dhasha Khasaaro badan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...