Beledweyne (Halqaran.com) – Rag hubeysan ayaa Sabtida maanta ah xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu soo warramayaa inay ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada millateriga Soomaaliya, iyaga oo horay u qaatay qorigii uu watay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Askariga xilliga la dilayay uu ku sugnaa Suuqa Xoolaha ee Xaafada Holwadaag, isla markaana kooxihii ka dambeeyay dilka ay goobta ka baxsadeen.
Askarigan oo lagu magacaabi jiray Macallin Cismaan Cabdikariin ayaa ka tirsanaa Ciidamada millateriga Soomaaliya, waxaana meydkiisa goobta ka qaaday ciidamo ka tirsan dowladda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamo ka tirsan kuwa millateriga iyo Booliska Hirshabeelle ay xaafada Howl-Wadaag ka sameeyeen howlgallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka askariga, balse aan lagu guuleysan in la soo qabto.
Waxaa magaalada Beledweyne bilihii la soo dhaafay amnigeeda waxaa uu ahaa mid sii xumaanayay, waxaana siyaabo kala duwan loogu dilay guddoomiye Xaafadeedyo, Askar iyo dad kale.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





