Washington (Halqaran.com) – Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Jamaal Khaashuqji ay dileen koox Sacuudi ah oo ku howlgalay amar uu bixiyay Dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan, sida lagu sheegay warbixinta sirdoonka oo Jimcihii la sii daayay.
Warbixinta ayaa lagu xusay, in sirdoonka Mareykanka ay ogaadeen in dilkii 2018 dhacay ee wariye Jamaal uu mas’uul ka ahaa Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan.
Maamulka madaxweynihii hore Mareykanka ee Donald Trump oo ay xulafo dhow ahaayeen Dhaxal sugaha ayaa dib u dhigayay sii deynta warbixintan muddada dheer la sugayay taas oo ay sharciyeeyeen aqalka wakiillada Mareykanka.
Khaashuqji ayaa ahaa faalle qore ka tirsan wargeyska caanka ah ee The Washingtin Post, isagoo si weyn u dhaliili jirey siyaasadda Sacuudiga gaar ahaan tan Dhaxal sugaha.
Bishii October 2018-dii ayaa Jamaal Khaashuqji lagu dhax dilay Qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Saraakiisha Sacuudiga ayaa dafirey in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa khaarijinta wariye Jamaal.
Saraakiil ka tirsan aqalka cad ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Biden ay tallaabo ka qaadi doonaan cidda ka dambeysay dilka wariye Khaashuqji, kadib markii warbixinta daah laga rogay.
Maxamed Bin Salaman oo loo yaqaano MBS wuxuu taageeraa in talaabo laga qaado lana aamusiyo dadka dhaliila xukunkiisa oo Khaashuqji uu ku jiro, sidaa waxaa sheegay sirdoonka Mareykanka.
Warbixintan oo ka kooban Afar bog ayaa lagu carabaabay 21 shaqsi oo qeyb ka ahaa dilka wariye Jamaal Shaakhuqji.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa lagu diiday eedeymaha, ayagoo xusay in warbixinta ay tahay mid la dhoo-dhoobay oo aan la aqbali Karin.
Si kastaba ha’ahaatee, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in maamulka Biden uu isku dayayo in si daah furnaan ah loo soo bandhigo arrintan, islamarkaana lala wadaago dadka Ameerikaanka ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com