Tuesday, May 12, 2026
27.3 C
Mogadishu

Turkiga oo soo badbaadiyay muhaajiriin ku xayirnaa xeebaha Izmir

Turkey (Halqaran.com) – Ugu yaraan 71  muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Turkiga sida ay sheegayaan warbaahinta dalkasi. Ilaalada xeebaha Turkiga ayaa waxay u direen kooxo si ay u soo badbaadiyaan 28 muhaajiriin ah oo ku xayiran degmada Cesme ee gobolka Izmir ee Turkiga, mana jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxay maadaama saxaafadda loo diiday in ay booqdaan muhaajiriinta.

Xeebta degmada Dikili ee isla Gobolka Izmir ayaa sidoo kale laga soo bad baadiyay 24 Muhaajiriin ah oo muddo ku xayirnaa Xeebtaas, kaddib markii Doonyo ay wateen ay ka qaadeen Ilaalada xeebaha gobolka  Izmir ee Turkiga .

Dadka la soo bad baadiyay ayaa waxaa ay isugu jiraan  haween iyo caruur iyo dad dhalinyaro ah , iyadoo loo gudbiyay waaxda socdaalka Izmir .

Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa magangalyo-doonka doonaya inay u gudbaan Yurub si ay u bilaabaan nolol cusub, gaar ahaan kuwa ka cararaya dagaallada iyo cadaadiska ka socda wadamada la daala dhacaya dhibaatooyinka xagga nolosha .

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...