Tuesday, November 24, 2026
29.6 C
Mogadishu

Wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Dooxa

Qatar (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa gaaray Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, iyadoo uu kusoo dhaweeyay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax.

Safiir Taano oo uu Wehliyo u qeybsanaha arrimaha Ciidanka ee Safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade ayaa Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya kulan kula qaatay garoonka, iyagoona ka wada hadlay arrimo ku aadan xiriirka labada dal.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska ciidanka, waxaana Qatar ay ka mid tahay dalalka mashaariicda horumarineed iyo kuwa amni ka fuliya Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya Danjire Cabdirisaaq Taano ayaa dhinaciisa uga war bixiyey Wasiirka xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar iyo soo dhawaynta wanaagsan oo ay ka heleen dowladda Qatar.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...