Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay safiirka Jabuuti

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta xeyndaabka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho kula kulmay safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Saciid Deni iyo Danjire Aadan ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya marayo gaar ahaan arrimaha doorashada ee qilaafka uu ka taagan yahay.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Puntland u sheegay in muhiim ay tahay in heshiis laga gaaro qilaafka ka jira qabsoomidda doorashada dhaceysa, isla markaana wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulamo kala duwan uu la qaatay wakiilada Beesha Caalamka, siyaasiyiin iyo musharraxiin, isagoo kala hadlay doorashada iyo arrimo kale.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...