Jowhar (Halqaran.clom) – Meydka laba ruux ayaa lagu soo warramayaa in lagu arkay duleedka magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle .
Meydadka labada Ruux oo uu ka muuqday dhaawacyo loogu geystay Tooreey ayaa lagu arkay inta u dhaxeysa deegaannada Raqayle iyo Bayaxow ee Koonfur bari magaalada Jowhar.
Dadka ku nool Magaalada Jowhar oo aad uga naxay dilka loo geystay labada Ruux ayaa waxaa ay sheegeen in meydadka aan weli la aqoonsan la keenay saldhiga magaalada Jwhar.
Ilaa iyo hadda lama oga waxa ay ahaayeen labada qof ee la dilay iyo dadka ka dambeeya dilkooda, waxaana Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ay sheegeen inay baaritan ku sameyn doonan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





