Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

Muxuu yahay qodobka ay isku fahmi waayeen madaxda m/goboleedyada?

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirar afartii maalmood ee lasoo dhaafay u socday madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa la sheegay in wax horumar ah aan laga gaarin mid kamid ah qodobada ay madaxda si weyn uga hadlayeen.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in shanta madaxweyne dowlad goboleed isku fahmi waayeen qodobka ajandaha shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Axmed Qoorqoor, Cabdicasiis Lafta-gareen, Cali Guudlaawe, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa isla gartay oo kaliya in Ciidamada AMISOM ay sugaan amniga goobta uu ka dhacayo shirka guud ee madaxda ee looga hadlayo doorashada dalka ka dhaceysa.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ku adkeysanaya in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan Saamileyda siyaasadda sida musharraxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Maanta ayaa lagu waday inuu magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni uu ka furmo shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, hayeeshee shirkaas ayaa u muuqda mid dib u dhac uu ku yimid.

Shalay ayey aheyd markii ay madaxda dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka ay ka wada hadleen qilaafka doorashada iyo sidii uu u furmi lahaa shirka madaxda, iyadoona Beesha Caalamka ay maamulada ku boorisay sii wadidda kulamada horudhaca ah.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...