Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha oo la kulmay guddiga baaraya dagaalkii ka dhacday Xabsiga Dhexe ee Xamar +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kulan la qaatay guddiga loo magaacay inay baaris dhammeystiran ku sameeyaan shaqaaqadii maalin kahor ka dhacday xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo looga hadlay sameynta baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhacdadii Xabsiga dhexe, si loo helo warbixin dhammeystiran oo go’aan lagu qaadan karo, ayaa lagu magacaabay guddi Farsamo oo guddiga kala shaqeeya fududeynta baarintaanka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa guddiga kula dardaarmay inay baaritaanka kusoo gebagebeeyaan 10-ka maalin ee loo qorsheeyay lagu soo saaro natiijada baaritaanka.

Weerarkii Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa waxaa ku dhintay 19 ruux oo 15 ka mid yihiin maxaabiista, halka Afarta kale ay ahaayen Ciidamada dowladda.

Intii uu socday weerarkaasi ayaa waxaa xabsiga ka baxsaday Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab oo Bistoolad watay, kaasi oo qof shacab ku sii dilay nawaaxiga Dekedda Muqdisho, kadibna ka qaatay mootadii oo ku baxsaday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...