Minnesota (Halqaran.com) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa xalay ku guuleysatay doorashadii gelinkii dambe ee Talaadadii ka dhacday Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Ilhaan Cumar ayaa doorashada is reebreebka ee Xisbiga Dimoqraadiga kaga adkaatay Antone Melton-meaux oo ay isku xisbi yihiin.
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa bisha November ee sanadkan kursigaasi kula tartami doonto musharaxa kale ee Xisbiga Jamhuuriga.
Doorashada Degmada 5aad ee Aqalka Congress-ka Mareykanka oo ahayd mid aad u adag ayay hadana Ilhaan Cumar awooday inay difaacato metelaadda xisbigeeda ee aqalkaasi.
Loolanka Ilhaan Cumar la gashay maal-qabeenka bulshada madowga Mareykanka ka soo jeeda ayay dadka qaarkii cabsi badan ka qabeen in looga adkaado.
Ilhaan Cumar ayaa boqolkiiba konton iyo toddobo (57%) kaga adkaatay musharaxaasi, halka uu isna helay boqolkiiba soddon iyo sagaal (39%), waana natiijo aad u wanaagsan.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ayaa si weyn u soo dhaweysay guusha, ay Ilhaan Cumar ka gaartay doorashada hadalhaynta ugu badan ka dhalisay gobolkaasi.
Ilhaan Cumar ayaa waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliya kasoo jeedda ee heerkaas gaadha, sidoo kalena waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress ka Mareykanka.
Ugu dambeyn, Ilhaan Cumar oo kursigeeda difaacaneysay ayaa ku guuleysatay codad ka badan kuwii ay u baahneyd inay kusoo baxdo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com