Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Arbacada berri oo taariikhdu ku beegan tahay 12/8/2020 lagu wadaa in Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ay kulankooodii caadiga ahaa ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.
Ajendaha kulanka berri ayaa ah akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed iyo warbixinta guddiga Dastuurka.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa lagu wargeliyay in maalinta berri uu jiro kulanka Golaha shacabka, isla markaana ay soo xaadiraan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





