Sunday, January 18, 2026
25 C
Mogadishu

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo ka badbaaday isku day dil & Faahfaano ka soo baxdaya.

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha hoggaanka Caafimaadka ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Cali Xersi Barre Cali Gaab, ayaa ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa, kadib qarax lala eegtay gaarigiisa.

Gen. Cali Gaab oo ka hadlay Qaraxaasi, ayaa waxa uu sheegay inuu dhacay subixii Arbacada maanta, islamarkaana gaarigiisa uu ku tagay Xafiiska, balse gaariga uu soo laabtay oo uu soo doonay sarkaal kale.

Xilli gaariga uu maraayay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo dhismihii hore ee Wakaalada Biyaha, ayaa waxaa qabsaday qarax noociisa uu yahay miinada soo boodada ah, waxaana halkaasi waxyeelo ay ka soo gaartay Ciidan ka tirsan illaalada Cali Gaab.

Goobta waxaa ku geeriyooday Askari lagu magacaabo Xamse Xasan Maxamed, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Saddex Askari oo istaafka Cali Gaab ah, waxaana bur bur ku yimid Gaarigii Ciidanka.

Taliyaha hoggaanka Caafimaadka Booliska Soomaaliya, ayaa sheegay inuu isaga caafimaad qabo, uuna ka tacsiyadeynaayo geerida ku timid Askarigaasi ka tirsan Ciidamada Booliska ee qaraxa ku dhintay.

Waxaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ku soo badanaya Qaraxyada miinada ah ee lala eeganaayo gaadiidka ay wataan Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ee maraya waddooyinka Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...