Sunday, January 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

VIDEO: DF Somaliya oo ka hadashay go’aanka ICJ ee dib u dhigista dhageysiga dacwadda Badda

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa caawa ka hadlay go’aan maanta kasoo baxay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah (ICJ) oo lagu caddeeyay in dib loo mudeeyay xilliga garmaqalka Dacwadda Badda ee Maxkamadda hor taalla waqtiga dheer.

Maxkamadda caddaaladda caalamiga ah (ICJ) ayaa maanta caddeysay in ilaa 15-ka bisha March 2021-ka dib loo dhigay waqtiga garmaqalka dacwadda Badda Soomaaliyeed ee Kenya muranka gelisay, iyada maxkamaddu ku sababeysay xaaladda uu sababay xanuunka Feyruska Karoona.

Maxkmadda ICJ waxay 15-ka iyo 18-ka March 2021 dhageysaneysaa dooda dowladda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale 17-ka iyo 19-ka March 2021 dhageysaneysa doodda Kenya ee doonista badda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, hase yeeshee dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxuu sheegay in maxkamddu ay go’aamisay sidoo kale in dhageysiga dacwaddu uu noqon doono mid afka ku saleysan oo aysan jiri doonin caddeymo qoraal ah oo maxkamadda lala tegi doono maadaama labada dowladood ay horay u geeyeen caddeymaha ay dacwaddooda saldhigga uga dhigayeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...