Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Qoorqoor oo kulan mahadcelin ah la qaatay Xildhibaannada Galmudug

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xarunta Madaxtooyada Afur sharfeed ugu sameeyay Xildhibaannada Galmudug.

Waxaa goobjoog ahaa kulankaasi, madaxweyne ku xigeenka Cali Daahir Ciid, wasiirada Galmudug, iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ujeedada kulankan, ayaa waxay aheyd, mahadcelin iyo xoojinta wadashaqeynta xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Golaha Baarlamaanka ugu mahadnaqay gudashada waajibkoodii dastuuriga ahaa ee kalsooni siinta Golaha wasiirrada iyo meel-marinta Barnaamijka Xukuumadda cusub.

Qoorqoor ayaa xusay in gogoshii dib u hesiintu wali furan tahay, isla markaana uu diyaar u yahay qancinta cidkasta oo qabta tabasho macquul ah.

Ugu dambeyn, Kulankan oo la isku dhaafsaday talooyin wax dhisaya ayaa ku soo dhaammaaday guul iyo is-fahan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...