Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maxkamadda ICJ oo markale dib u dhigtay dacwadda badda ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya

Hague (Halqaran.com) – Maxkamada ICJ ayaa ku dhawaaqday in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ICJ oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa sababta ugu weyn ku sheegtay Cudurka Coronavirus.

War kasoo baxay Maxkamada oo la gaarsiiyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista ee ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda cakiran ee uu sababay Cudurka Covid-19 ay go’aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sanadka soo socda ee 2021-ka.

Dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, ayaa si rasmi ah u billaaban doonta 15-ka bisha March ee sanadka dambe ee 2021-ka. sida ay caddeysay maxkamadda ICJ.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...