Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

DHAGEYSO WAREYSI: Xasan Sheekh oo dhaliilay DF Somaliya, ”Afar sano kadib wali halkeedii bay taagan tahay dacwadda muranka badda”

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay go’aanka maxkamadda Caalamiga ee Hague ay dib ugu dhigtay kiiska la xiriira dacwadda muranka badda ee u dhaxeysay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Mar uu maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay afar sano kadib wali inay halkeedii taagan tahay arrinta badda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Go’aanka dib u dhigista ay imaan karto markii ay heshiis ku yihiin labada dal, balse in markale muddoo 11 Bilood ah dib loo dhigo aysan aheyn mid sax ah.

” Dacwada Badda waxaa dib loo dhigi karaa oo kaliya marka labada dal heshiis ku yihiin markii kowaad, labaad iyo sadexaad waxaa la aqbalay codsiga kenya oo kaliya Arintaasi sax maahan hadii ay jirto oo dowladeenu diidanayd dib u dhigista dacwada cademaymaha hala wadaagto Shacabka, hadal kaliya looma baahna ayuu yiri Xasan Sheekh”

Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in Go’aanka Dacwadda Badda dib loogu dhigay ay dowladda Soomaaliya ogolaatay, hayeeshee Shacabka Soomaaliyeed ay u been sheeganayaan madaxda Dowladda.

Sidoo kale, wuxuu kaloo sheegay, Xasan Sheekh Maxamuud, in dacwadda Badda ay hoggaaminayeen Qareeno Caalami ah oo Soomaali ah oo ay ka mid tahay Muno Sharmaa, isla markaana meesha laga saaray balse dowladdu aysan sheegin dadkii lagu bedelay qareenadaas.

Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aamisay in dacwadda Badda la qaado 15-19 Maarso 2021.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka JF Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in dowladda Federaalka mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horaanta bisha soo socota, balse dowladdu ay ku qasban tahay buu yiri inay u hoggaansanto amarka dib u dhigista ee ka soo baxay maxkamadda ICJ.

Halka hoose ka dhageyso Wareysi uu siiyay Xasan Sheekh Maxamuud laanta Af Soomaaliga ee BBC-da:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...