Wednesday, January 21, 2026
24.6 C
Mogadishu

R/Wasaare Rooble oo arrimo muhiim kala hadlay Golaha Wasiirrada ee Koonfur Galbeed

Baydhabo (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Baydhabo kula shiray golaha Wasiirrada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Mr. Rooble ayaa kala hadlay arrimo la xiriira wadashaqeynta dhexdooda ah iyo tan kala dhaxeysa xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku boorriyay Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed inay la shaqeeyaan guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed, Odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada ee arrintaas ka shaqeynaya, si loogu guuleysto qabashada doorasho hufan oo caddaalad ah ku dhacda.

Sidoo kale, wuxuu ra’iisal Wasaaruhu kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Koofur galbeed, isagoona uga waramay ujeedada socdaalkiisa Koofur galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed kula dardaarmay inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan nabadgalyada, la dagaallanka argagixisada iyo isku haynta iyo heshiisiinta bulshada.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay muhiim tahay in odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshadu ka qeyb qaataan la dagaallanka xagjirka iyo u caqli celinta dhallinyarada la marin habaabiyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...