Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ay soo saareen musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii labaad shir uga socda Muqdisho ayaa waxay ku sheegeen baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in liiska labada Guddi doorasho ee heer Federaal Saddex ay soo gudbiyeen Puntland iyo Jubbaland ay ku jiraan xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka maamulladaas.
War-saxaafadeedkan ayaa loogu baaqay Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland inay dib u eegis ku sameeyaan, islamarkaana ay bedelaan xubnaha shaqaalaha rayidka ee ku jira labada Guddi.
Murasharaxiintan ayaa horey waxay uga qayliyeen guddiyadii doorashada ee ay soo magacaabeen madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Haddaba halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






