Bari (Halqaran.com) – Inta la xaqiijiyay 8 kalluumeysato ah oo u dhashay dalka Yemen ayaa ku geeriyooday 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen roobab dabeylo wata oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay deegaanno ka tirsan gobolka Bari.
Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inuu burburay guryo ku yaalla halkaas oo dabeysha burburisay.
Dadkii ku noolaa deegaanka lagu magacaabo Hurdiya oo u dhow Xaafuun ayaa barakacay, kadib markii gudaha deegaanka ay soo gaareen biyaha badda kadib markii ay ku dhufatay duufaan xoogan.
Degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Bari oo dhammaan ku yaal bariga Puntland ayaa roobabku si weyn uga da’een, waxaana kamid ah magaalada xeebta ku taal ee Xaafuun oo roobku si aad ah saamayn ugu yeeshay sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha magaalada Xaafuun ee gobolka Bari Maxamuud Yuusuf.
Roobabka watay duufaanta ayaa saameeyay deegaanno badan waxeyna jareen isgaarsiinta.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





