Saturday, April 18, 2026
29.1 C
Mogadishu

Rag diyaarinayay qaraxyo oo la qabtay & faah-faahino ka soo baxaya

Boosaaso (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Xoogga Puntland ee loo soo gaabiyo PSF ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku qabteen shakhsiyaad diyaariya qaraxyada lagu aaso Buuraleyda Gobolka Bari, kuwaas oo lala beegsado Ciidamada Difaaca Puntland.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Ciidamada PSF ayaa waxa lagu sheegay in Hawlgalkaas uu saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso.

Balse lama shaacin dadka la qabtay inay ka tirsan yihiin Ururrada Daacish ama Al-Shabaab.

Waxaa weli howlgalka uu socdaa Xaafado ka tirsan Boosaaso, sida dad goobjoogayaal ah ay Halqaran News u sheegeen in Ciidamada mararka ay ay galayeen Guryo bartilmaameed u ahaa.

Ugu dambeyn, magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari iyo deegaano hoostaga ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro qaraxyo ah oo lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Ciidamo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...