Monday, June 22, 2026
25.2 C
Mogadishu

Qarax khasaare xooggan geystay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax aad u xooggan ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaasi oo dhawaqiisa laga maqlay Magaalada.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani uu yahay Ismiidaamin ayaa waxaa lala eegtay Xarunta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland, waxaana jira Khasaare ka dhashay.

Xilliga Qaraxa uu dhacaayay ayaa waxaa Xarunta Maamulka ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug.

Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo sheegaya in uu jiro Khasaare soo gaaray masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug, kuwaasi oo ku sugnaa Xarunta maamulka.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, ayaa xiray aagga waxaana socda Baaritaano ku aadan Qaraxaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...