Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax aad u xooggan ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaasi oo dhawaqiisa laga maqlay Magaalada.
Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani uu yahay Ismiidaamin ayaa waxaa lala eegtay Xarunta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland, waxaana jira Khasaare ka dhashay.
Xilliga Qaraxa uu dhacaayay ayaa waxaa Xarunta Maamulka ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug.
Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo sheegaya in uu jiro Khasaare soo gaaray masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug, kuwaasi oo ku sugnaa Xarunta maamulka.
Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, ayaa xiray aagga waxaana socda Baaritaano ku aadan Qaraxaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com