Thursday, January 22, 2026
24.6 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Madaxda maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka Sida

Garowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44,16ka May 2020, kuna saabsan Dib-u-dhisidda Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad, faqraddiisa 19aad.

Markuu arkay: Qodobka 87aad ee Dastuurka Puntland

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda Shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus
  2. Waxaa G/sare. Cawil Jaamac Nuur loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus
  3. Waxaa G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.
  4. Waxaa G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.
  5. Waxaa G/sare. Cali Faarax Caydiid loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.
  6. Waxaa G/sare. Cabdi Cali Jaamac loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.
  7. Waxaa G/sare. Maxamuud Faarax Maxamed loo magacaabay Xeer Ilaaliye Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...