Garowe (Halqaran.com) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu magacaabay Taliyah Ciidanka Madaxtooyadda Puntland iyo ku-xigeenkiisa.
Madaxweynaha Puntland, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Puntland.
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay : Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.
- Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





