Sh/Hoose (Halqaran.com) – Howlgal ballaaran oo ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ka sameeyeen gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa lagu dilay lix xubnood oo mid ka mid ah uu yahay Sarkaal Al-Shabaab ah.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalkan waxa ay Arbacadii ka sameeyeen wadada xiriirisa deegaanka Janaale iyo Degmada Qoryooley, sida uu xaqiijiyay General Cabdixamiid Maxamed Dirir, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka.
Taliyaha ayaa sheegay, in hawlgalkaasi lagu dilay Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuu Bakar), oo ahaa buu yiri horjoogihii argagixisada ee Degmada Qoryooley iyo deegaannada hoosyimaada.
General Cabdixamiid Maxamed Dirir oo wareysi siiyay idaacadda afka Ciidamada Dowladda ku hadasha ayaa xusay in hawlgalka uu si gaar ah uga dhacay Kabtan Laas iyo Buulo Sheekh, oo hoos-tagga Degmada Qoryooley.
Tan iyo wixii ka dambeeyay gulufkii 16-kii bishii Maarso lagu xorreeyay deegaanka Janaale ayay Ciidanka Xoogga Dalka kordhiyeen hawlgalada ay ka fulinayan gobolkaasi.
Ugu dambeyn, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu dhaliilaa in uu ka gaabiyay hawlgalada kale, ee sidaasoo kale Shabaabka looga sifeen lahaa gobollada kale ee dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





