Tuesday, June 2, 2026
28.4 C
Mogadishu

Deegaannada Puntland oo aad ugu sii faafaya Cudurka Coronavirus

Garowe (Halqaran.com) – Maamulka Puntland ayaa waxay diiwaangelisay xaalado kale oo ka dhashay xanuunsidaha Covid-19 ee uu keeno Coronavirus, kaasoo si muuqdo ugu faafaya deegaanadeeda.

Guddiga Ka Hortagga Coronavirus u qaabilsan Puntland ayaa waxay xaqiijiyeen inay diiwaangeliyeen 13 qof oo cusub oo laga helay xanuunkaasi, ka dib markii laga baaray 24 qof.

Guddiga ayaa xusay, in bukaanada 5 ka mid ah ay jooggaan Gobolka Mudug, 4 waxay ku sugan yihiin Gobolka Nugaal, halka 4-ta kalana ay jooggaan Gobolka Bari.

Sida ku cad warbixinta Guddiga Ka hortagga Coronavirus ee Puntland waxaa la xaqiijiyay bukaankii 5aad oo deegaanada Puntland ugu geeriyooda Covid-19, illaa iyo haddana waxaa xanuunka ka bogsaday 3 qof.

Waxaa guud ahaan deegaanada Puntland laga diiwaangeliyay ilaa iyo 111 xaaladood, waxaana saacadaha soo socda suurtagal ah in tirada ay intaasi ka badato.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa shalay sheegtay in dalka oo idil laga diiwaangeliyay 1,219 xaaladood, hase ahaatee la fillayo in tirada ay intaasi ka badato saacadaha ina soo aadan.

Cudurka Saf-mareenka ah ee Coronavirus ayaa si aad ah ugu faafaya geyiga Soomaalida, xilli aanay weli dadka Soomaaliyeed u dhego nugleen ku dhaqanka talooyinka ay soo jeedinayan Waaxaha Caafimaadka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...