Wednesday, January 21, 2026
24.6 C
Mogadishu

Gabadhii u dooneyd Khashoggi oo olole ugu jirta sidii loo hor istaagi lahaa Maxamed Bin Salmaan inuu…

Istanbul (Halqaran.com) – Gabadhii u dooneyd Jamal Khashoggi ayaa ugu baaqday taageerayaasha Newcastle in Maxamed Bin Salmaan ay ka horjoogsadaan in uu la wareego kooxdaas ka dhisan Ingiriiska ee New Castle United, kaddib markii ay qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Waxay ka codsatay taageerayaasha kooxdan inay bilaabaan olole ka dhan ah in Sucuudiga uu iibsado kooxdaas.

” Waxaan idiin ka codsanayaa dhammaantiin in aad u midowdaan sidii naadigiina iyo magaaladiina aad uga difaaci laheydeen dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo dadka isaga ka agdhaw”

Waxay sidoo kale ka codsatay taageerayaasha inta goori goor tahay ay qaadaan tallaabo ay kaga horjoogsanayaan arrintaas.

Dhawaan ayay aheyd markii Hatice Cengiz ay ka codsatay horyaalka Ingiriiska ee Premier League in ay horistaagaan in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United.

Khashoggi, oo dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga, ayaa lagu dilay 2018 gudaha qunsuliyada ay sacuudiga ku leeyihiin Istanbul .

Sirddoonka dalalka reer galbeedka ayaa waxay rumaysan yihiin in dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka wariyahaasi, balse waa uu beeniyay Binu Salmaan.

Hay’adda maalgalinta Sacuudiga ee uu hogaamiyo daxal-sugaha ayaa la filayay in 80% naadigaasi ay la wareegaan.

Balse qareenno matalayay Hatice Cengiz, oo ah gabadhii u dooneyd Khashoggi , ayaa waxay dalbadeen in laga horistaago in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United iyada oo la eegayo dilka saxafigaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...