Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya, dagaal xooggan oo xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalku uu ahaa mid laga dareemay degmadaasi.
Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamada Booliska iyo Militariga ee Dowladda Soomaaliya ka wada tirsan.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa dhaliyay dagaalka. Wararka qaar waxay sheegayan in labada ciidan ay kala shakiyeen, warar kalana waxaa ay sheegayan in Ciidamada Militariga ay rasaas ku furayn gaari ay la socdeen kuwa Booliska, sidaana uu dagaalku ku bilowday.
Labada dhinac ayuu dagaalka xoogiisu ku dhex maray xaafadda Soona Key (ZONE K), waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Illaa afar askari oo labada dhinac ah ayaa dagaalka ku dhintay, iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacantay, waxaase jira warar khasaaraha intaa ka badinaya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in askarta dagaalka lagu dilay uu ka mid yahay Daahir Sheekh Axmed, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qaybta 21aad, waxaana si weyn looga garanaayay Soona Key, sida ay sheegeen, dadka deegaanka.
Degmada Hodan ayaa ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku soo noq noqdeen dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka ka wada tirsan.
Si kasta ha’ahaatee, dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilaa in aanay mowqif adag ka qaadan dagaallada ku soo noq noqday Caasimadda Muqdisho, ee u dhaxeeya ciidamadeeda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





