Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo la soo gaarsiiyay laba diyaaradood oo Ayaxa lagula dagaalamayo +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiista maanta si rasmi ah ula wareegtay laba diyaaradood oo Helicopter ah, kuwaasi oo lagu buufin doono deeganada Ayaxa uu ku habsaday.

Deegaanno ka tirsan Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa ku habsaday Ayax la sheegay inay ka soo talaabay gacanka Cadan, islamarkaana Beeraha Soomaaliya uu dhibaato ku haayo.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay hawlaha Buufinta Ayaxa inaysan saameyn ku yeelan doonin dadka iyo deegaanka.

Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay qarashka hawshaan ku baxaayo inay bixinayso Hay’adda USAID ee Mareykanka.

Si kastaha ha’ahaatee, shaqada ugu horeysa ee Buufinta Ayaxa ayaa waxa ay bilaabaneysaa Maalinta Berri ah, waxaana laga bilaabayaa deeganada Maamulada Galmudug iyo Puntland.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...