Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

UPDATE +VIDEO: Wararkii ugu dambeeyay & Kororka ku yimid Cudurka Coronavirus ee Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 65 xaaladood oo COVID-19 ah, 5 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo hal bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Koonfur Galbeed 24, Somaliland 14, Puntiland 13, gobalka Banaadir 13 iyo Jubaland hal bukaan.

Bukaannada cusub 41 ayaa rag ah 24-na waa haween. 1,284 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, Geeridu waxay mareysaa 53, waxaana guud ahaan ka bogsooday 135 ruux.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...