
Qardho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtidii maanta ka hadlay Amniga, gurmadkii fataahadda Qardho iyo xanuunka Coronavirus.
Saciid Deni ayaa bogaadiyey howlgalkii Ciidamada amnigu maanta ka sameeyeen Boosaaso kaasi oo lagu fashiliyey weerar ay argagixisadu soo maleegtay.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha gurmadka Qardho iyo sida uu u socdo.
Wuxuuna u mahadceliyey dhammaan cidkasta oo ka qeyb qaadatay gurmadka, guddiyadii iyo dhinacyadii kale duwanaa ee ka shaqeynayey.
Madaxweynaha Puntland ayaa bulshada uga digay halista cudurka Coronavirus, isagoona ugu baaqay dadka in ay qaataan farriimaha iyo talooyinka ay bixinayaan Hay’addaha Caafimaadka u qaabilsan Dowladda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





