Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Jimcihii maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay dad isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno, odayaal, waxgarad, dhallinyaro iyo haween.
Laftagareen ayaa magaalada Muqdisho u yimid shirkii uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran, ee looga arrinsanayo wixii ka qabsoomay heshiiskii 27-kii May.
Shirkan uu Ra’iisal Wasaaruhu ku baaqay ayuu qorshuhu yahay in Sabtida berri uu ka furmo magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





