Muqdisho (Halqaran.com) – Kooxo hubeysan ayaa Jimcihii maanta degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxay ku dileen Sarkaal ka tirsnaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Wararka ayaa sheegaya, in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Cumar idiris, waxaana la dilay xilli uu sii galayay Masaajid ku yaala Agagaarka Saldhiga Degmada yaaqshiid.
Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ahaa qof da’ah oo si weyn looga yaqaanay degmada Yaaqshiid oo ka shaqeeynayay sanadyo badan saldhigeeda.
Sarkaalkan ayaa waxaa uu ahaa OBI qoraha Saldhiga Degmada Yaaqshiid.
Ciidamada Booliska Saldhigga ee degmada Yaaqshiid oo gaaray halka uu dilku ka dhacay ayaa howlgallo baaritaanno ah ka sameeyey goobihii ku dhawaa masjidka uu dilkan ka dhacay.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





