Friday, April 10, 2026
29.4 C
Mogadishu

Afhayeenka Militariga Itoobiya oo beeniyay in diyaarad Militari ay soo rideen Ururka TPLF

Tigrey (Halqaran.com) – Afhayeenka Militariga Itoobiya, Korneyl Getnet Adane ayaa beeniyay diyaaraddii militari ee Arbacadii ku burburtay Gobolka Tigrey inay soo rideen xoogaga TPLF.

Ururka TPLF ayaa baahiyay muuqaalka goobta ay diyaaradaasi ku burburtay. Muuqaalka ayaan laga arki karay diyaarad nooca militariga oo gebi ahaanba burburtay. TPLF waxay sheegtay in burburka diyaaradda ay ka dambeysay, ka dib markii xoogaga u daacadda ah ay gantaalka lidka diyaaradaha ku soo rideen.

Afhayeenka Militariga Itoobiya ayaase sheegay inay cilad ku timid diyaaradaasi, ka hor intii aanay ku soo dhicin meel 25km dhanka koonfur galbeed kaga beegan Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigray, waxaana uu carabka ku adkeeyay inaanay soo ridin jabhadda TPLF.

Afhayeenka Militariga Itoobiya ma sheegin waxa ay siday diyaaradaasi iyo weliba tirada askartii la socotay, hase yeeshee TPLF ayaa sheegtay in ay siday rasaas iyo askar ku labisneyd dareyska Ciidamada Eritrea, waana xilli Ciidamada Eritrea ay gudaha ugu jiraan gobolkaasi, iyagoona ka barbar dagaalamaya Militariga Itoobiya.

Dagaalka u dhaxeeya labada dhinac ayaa markale toddobaadkii hore ka soo cusboonaaday gobolka dhaca waqooyiga Itoobiya, iyadoona TPLF sheegatay in ay xoogageeda la wareegeen dhowr magaalo.

Militariga Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in diyaaradahooda dagaalka ay Talaadadii bartilmaameedsadeen suuq ku yaala Magaalada Togoga oo 15km u jirta Mekelle, isla-markaana ay ku dileen in ka badan 40 qof.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Linda Thomas-Greenfield ayaa si kulul u cambaareysay duqaynta ka dhacday Togoga, waxayna ku baaqday baaritaan iyo isla xisaabtan dhaba oo lagu sameeyo kuwii ka dambeeyay.

“Waxaan ku baaqnay isla xisaabtan iyo in baaritaan la sameeyo. Arrinta Gobolka Tigray ka taagan waanu caddeynay mowqifkayaga, waxaan dalbanay xabad joojin, waxaana weydiinay Xukuumadda Addis Ababa inay ogolaato in gargaar dadka la gaarsiiyo, isla-markaana lala xisaabtamo kuwii gaystay gabood-falada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo in Ciidamada Eritrea laga saaro gobolkaasi.” Ayay tiri Linda Thomas-Greenfield.

Korneyl Getnet Adane, Afhayeenka Militariga Itoobiya ayaa sheegay inaanay Ciidanka Cirka bartilmaameedsan dadka rayidka.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka muddada sideeda bilood ka socda Gobolka Tigray, xilli dhinacyada lagu eedeeyay inay gaysteen dil wadareedyo iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha ah.

In ka badan shan milyan oo qof ayaa lagu soo waramaya inay gargaar cunno u baahan yihiin. Qaramada Midoobey ayaana ka digtay in dadkaasi qaarkood ay macluul ugu geeriyoodaan gobolkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...