Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo xiray shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta Jubbaland, isaga oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha shirka.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu xaliyo dhammaan cabashooyinka ay qabaan shacabka reer Jubbaland iyo xubnaha mucaaradkuba.
Wuxuu kaloo sheegay in Jubbaland ay heshiis ku aasaasantay mar walbana ay ku socon doonto raali ahaanshaha iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, madaxwaynaha Jubbaland ayaa sheegay in munaasabadan iyo geba-gabada shirkuba bilow u noqon doonaan kulamo si qoto dheer loogaga wada xaajoon doono qodob walba oo la isku hayay.
Axmed Madoobe ayaa tilmaamay, in cid walba oo wax tabanaysa, uu ugu baaqao inay ka soo qaybgasho kulamada dambe ee wada-xaajoodka.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqay inay taageeraan shacabka ay hoggaanka u yihiin, ee qaatay buu yiri heshiiska nabadeed, ayna soo dhaweeyan hannaanka dowladeed ee Jubbaland.
Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaa waxa uu khudbadiisa ku soo geba-gabeeyay baaq uu u diray umadda Soomaaliyeed, oo ku aadan inay ku dadaalaan tallaabooyinka lagaga hortaggayo xanuunsidaha COVID-19, xilli uu dalka si weyn ugu faafayo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com









