Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Turkiga: Imaaraadka Carabta wuxuu taageeraa Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya

Istanbul (Halqaran.com) – Dowladda Turkey ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeysay inay qalalaase ka wadaan Bariga Dhexe, ayaga oo faro-gelinaya Libya iyo Yemen, eedeyntaas oo la filayo inay sare u qaaddo xiisadda labada dal.

Mevlut Cavusoglu oo ah wasiirka arrimaha dibedda ee Turkey ayaa hadalkan sheegay isaga oo ka jawaabaya cambaareyn ku saabsan kaalinta Turkey ee dagaalka Libya, halkaasi oo ay gaysay shaqaale Militari iyo dagaal-yahanno Syrian ah oo caawiya dowladda dalkaas ee caalamku aqoonsan yahay.

Imaaraadka iyo Masar, oo taageearaya ciidamada Jeneral Khalifa Haftar ee isku dayaya inay qabsadaan caasimadda Libya, ayaa ayaga oo ay wehliyaan Greece, Qubrus iyo Faransiiska, waxay soo saareen bayaan lagu cambaareeyey “faro-gelinta militari ee Turkey ay ka waddo Libya”.

Cavusoglu ayaa taleefishinka Akit ee Turkey u sheegay in Imaaraadka iyo Masar iyo dalal kale oo uusan magacaabin “ay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan gobolka oo dhan” wuxuuna si gaar ah u beegsaday Imaaraadka.

“Haddii aad i weydiiso cidda xasilooni darro ka wadda, cidda qaska abuureysa, waxaan dhahaynaa waa Abu Dhabi, innaga oo aan ka laba labeyn,” ayuu yiri. “Waa xaqiiqo inay yihiin quwadda deganaansho la’anta ku ridday Libya ee burburisay Yemen.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibedda ee Turkey ayaa ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay taageerayaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, halkaasi oo Turkey ay ku leeyihiin saldhig ay ku tababaraan ciidamada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, hadalka Cavusoglu ayaa yimid kadib markii wasaaraddda arrimaha dibedda ee Ankara ay Isniintii ay cambaareysay bayaanka shanta dal, islamarkaana ku eedeysay Faransiiska “inay isku dayayaan inay noqdaan taageeraha isbaheysiga naceybka.”

Ilaa iyo hadda wax jawaab ah kama soo bixin Imaaraadka Carabta oo ku aadan eedeynta wasiirka arrimaha dibedda ee Turkey Mevlut Cavusoglu.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...