Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Maxkamadda Qalabka Sida oo xukun dil ah ku riday rag ku eedeysanaa dilkii taliyihii Gorgor

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxay maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Arbacada maanta ay soo gabagabeysay dhageysiga kiiskii la xiriiray dilkii taliyihii ciidamada Gorgor ee ka tirsan Militariga Soomaaliya

Ilaa iyo Afar nin oo ka shaqeysa Hotel Ma’ida Ex Naasahablood 2 ayaa ku eedeysnaa dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor, waxaana maxkamadda maanta afartooda ay ku riday xukuno kala duwan.

Dilka taliyihii Ciidanka Gorgor Maxaadeey Saleebaan Eebakar ayaa 18-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2019 waxaa uu ka dhacay agagaarka Hotelka Maa’ida ee Ex-Naasa-hablood 2.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggaan maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan, isla markaana ugu dambeyn maanta go’aan laga gaaray.

Shuute, ayaa waxa uu sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan iyo Askarigii illaalada u ahaa ee ka socday halka labada kale lagu xukumay min 5 Sano oo Xabi Ciidan ah.

Ugu dambeyn, maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi inay u furan tahay qaadashada Racfaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...